Posted on:
Tuesday, 23 February, 2010 06:06 Updated On:
Monday, 01 March, 2010 13:49 Expires On:
Friday, 08 July, 2011 07:06 Reply to:
(Use contact form below)
Xawaalada kaah express hada dhiibo hada qaado waa online system waxaan idinku soo dhaweynaynaa gacma furan.
Kaah Express Financial Service Inc. was established on February 2000 in the State of Minnesota of the United States of America
Waxaan ugu bishaaraynaynaa dhammaan macaamiisha Kaah iyo cid kasta oo danaynaysa in uu si xawli ah ku socda mashruuca kor ku xusan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo laga hirgaliyo magaalada madaxda kililka shanaad ee Jigjiga. Mashruucan oo dadwayne badan ay ka daawadeen TV-ga ETN, waxaan hoos idiinku soo gubdinaynaa jawaabaha su’aalaha aan isleenahay way ugu badanyihiin kuwa ay dadku iswaydiin karaan:
Su’aal: Mashruucu xagguu ku yaallaa?
Jawaab: Waxa uu ku yaallaa badhtamaha magaalada Jigjiga, halkii hore u ahaan jirtay boosteejada basaska laga raaco.
Su’aal: Dhul intee le’eg ayuu ku fadhiyaa mashruucu?
Jawaab: Waxa uu ku fadhiyaa dhul dhan laba kun iyo sagaal boqol oo meter oo laba jibbaaran.
Su’aal: Muxuu ka koobanyahay mashruucu?
Jawaab: Waxa uu ka koobanyahay dabaq dhulka ah (ground floor) iyo afar dabaq oo sare.
Su’aal: Ganacsi noocee ah ayaa lagu samayn karaa?
Jawaab: Waxa loogu talo galay qaybta hoose laba bank iyo supermarket casri ah, dabaqa koobaad waa electronics, perfumes iyo cosmetic; dabaqa labaad waa dharka oo isugu jira ready made iyo textile; dabaqa saddexaad waa xafiisyo; dabaqa afraadna waxa uu noqon doonaa Ilaahay idamkiis rug caafimaad oo casri ah.
Su’aal: Ma xaddidanyihiin inta dukaan ee isku nooc ah ee laga samayn karo?
Jawaab: Waxaa xaddidan Pharmacy ooh al ah, Timojare oo hal ah, Laundary oo hal ah, Makhaayad oo hal ah iyo supermarket oo hal ah. Waxa kale waxa xaddidaya marka uu buuxsamo dabaqa ama floorka loogu talogalay.
Su’aal: Dukaan ama xafiis ma yeelan karaa mise waan kiraysan karaa oo kaliya?
Jawaab: Dukaan ama xafiis waad kiraysan kartaa oo kaliya
Su’aal: Masii qabsan karaa hadda dukaanka ama xafiiska aan rabo mise waxaan sugayaa inta dhismuhu ka dhammaanayo?
Jawaab: Waad sii qabsan kartaa hadda dukaanka ama xafiiska aad rabto maadaama ay suurtogal tahay in lagaa hor qaato dukaanka aad rabto.
Su’aal: Miyay kala duwanyihiin kirada dukaannada ama dabaqyada kala duwan mise waa isku wada mid?
Jawaab: Kirada waxay ku kala duwantahay dabaqa aad ka rabto iyo dukaanka ama xafiiska aad rabto baaxadda uu le’egyahay. Waxa lagu kiraynayaa per meter laba jibbaaran (meter square).
Su’aal: Waa imisa kirada halkii meter ee laba jibbaaran bishii?
Jawaab: Sidaan kor ku xusnay kiradu waxay ku xirantahay dabaqa aad uga baahantahay dukaanka. Waxaase loogu talogalay inay kiradu noqoto mid qofka dukaanka kiraystay u suurtogalin karta inuu sii kireeyo oo uu ka sii faa’iido una noqota investment waqti dheer ah
Su’aal: Goorma ayuu dhammaanayaa mashruucu?
Jawaab: Waxa loogu talogalay in mashruucu dhammaado bisha laba iyo tobnaad ee 2010 haddii Rabbi idmo. Inuu waqtigaasi ka hor dhammaadana waa suurtogal
Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad kala xiriirtaa websiteka Kaahxpress.com ama waxaad toos ula xiriirtaa:
Najib Aden Hassan
Tel : +251 915 731831 +251 915 731831
Email: najib@ethionet.et
Waxa kale oo aad la xiriiri kartaa xafiiska kuugu dhaw ee Kaah Express meel kasta oo uu ku yaallo.
It is ok to contact this poster with commercial interests.